(XOG)Halka Qalbi -dhagax lagu hayo iyo Wareysigii ugu dambeeyay ee lala Yeeshay asagoo loo diiday in ay..

Warar dheeraad ah ayaa waxa uu weli kasoo baxayaa xariga Sargaalka ONLF Cabdikariim Sheekh Muuse oo loo yaqaano Qalbi Dhagax.

Qalbi Dhagax, ayaa iminka ku xiran Xarunta Sirdoonka Ethiopia ee ku taala deegaanka Nansireed oo aan sidaa uga sii fogeyn magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Sargaal ka tirsan maamulka DDSI oo lagu magacaabo Axmed Daahir ayaa sheegay in Qalbi Dhagax lagu hayo baaritaan lagu xaqiijinaayo qorshaha joogitaankiisii hore ee Somalia.

Waxa uu Sargaalkan sheegay in Qalbi Dhagax uu cadeystay inaanu weli ka tanaasulin kamid ahaanshihiisa Jabhada ONLF, balse uusan hadda aheyn mid ka barbar dagaalama Kooxda.

Waxa uu intaa raaciyay in Qalbi Dhagax uu iska fogeeyay inuu xiriir lalahaa maleeshiyaadka Al-shabaab oo dagaal kula jira dowlada Somalia iyo ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Waxa uu Axmed Daahir intaa kusii daray in Qalbi Dhagax uu dalbaday in laga cafiyo kiiska loo qabtay maadaama dhowr sano uu ahaa mid aan qaadin qori isla markaana rasaas ku ridin dhanka ciidamada Ethiopia.

Saraakiisha acanta ku heysa Kiiska Qalbi Dhagax ayaa ku gacanseeray inay cafis ka muujiyaan dalabka Qalbi Dhagax ee ku aadan cafiska.

Sidoo kale, Qalbi Dhagax ayaa laga hor istaagay inuu qaabilo Saraakiisha DDSI iyo qoysaskiisa ku sugan dalka Ethiopia.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan cadeyn sida ay dowlada Ethiopia ka yeeli doonto arrinta Qalbi Dhagax oo muran ka dhex abuurtay dowlada Somalia.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




AD




DAAWOO