XOG : Shabaab oo Diyaarinaya Qorshe Halis ku ah Safarka Madaxweyne Farmaajo Ee Galgaduud

Xog hoose oo la helayo ayaa sheegeysa in Al-shabaab isku diyaarinayaan qorshe ku aadan iney carqaladeeyaan safarka madaxweyne Farmaajo ee uu ku aadayo deegaanno kamid ah gobolka Galgaduud.

Xogta ayaa sheegeysa in Al-shabaab ay doonayaan in jidka u galaan kolonyada madaxweynaha maadaama Farmajo iyo inta la socotaba ay safar dhulka ah ku imaan doonaan Galgaduud.

Dhanka kale, Ahlu-sunna ayaa diyaarisay ciidankii ugu badnaa, kuwaasi oo sugi doona nawaaxiga meelaha ay Ahlu-sunna maamusho, maadaama weli aanu dhaqan gelin heshiiskii Galmudug.

Farmaajo ayaa markii ugu horreysay wuxuu qaab lug ah safar ku marayaa deegaanno badan oo kamid ah dalka, waxaana uu socodkaan ugu magac daray socdaalka nabadda.

Readers Comments (0)



DAAWWO