War Hada Naga Soo gaaray Jiidaha Hore ee Dagaalka Puntland iyo Somaliland Wararkii ugu dambeeyay

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya xaduudaha ay isku horfadhiyaan ciidamada maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa sheegaya in ay sii kordhayso cabsida laga qabo dagaalka kaqarxa goobahaas.

Wararka ayaa sheegay in rasaas culus laga maqlay deegaan udhaw magaalada Boocame oo ay Somaliland u dirtay maleeshiyadeeda.

Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa laga soo xigtay in ayaan ilaa hadda haynin amar dagaalka,balse goobahooda ay kusugan yihiin. Inkastoo warar madax banaan ay sheegayan in ay ciidamadaas rasaas kurideen dhinaca Puntland.

Saraakiisha ugu sareysa ciidamada Puntland ayaa goor dhaw waxaa usoo dhamaaday shir ay uga hadlayeen xaaladahan cusub iyo kala warqaadashada.

Goobjoogayaal kusugan magaaloyinka Boocame iyo Tukaraq ayaa sheegaya in goobaha ay isku horfadhiyaan labadan ciidan ay masaafo Yar isku jiran xili kastana La filan karro dagaal.

Dadaalo ay garwadeen ka ahaayeen dawladdaha deriska gaar ahaana Dawladda Ethiopia ayaan ilaa hadda waxba kahirgalin,kuwaas oo Ku saleysnaa in Somaliland ay ka baxdo deegaanada cusub ee ay soon gashay.

Xiisada dagaal ee hadda taagan ayaa joojisey isku socodka shacabka labada dhinac oo kudhiiran waayay in ay wadadan maraan,bacdamaa xili kasta dagaal ka bilaaban karro.

Readers Comments (0)



DAAWWO