War Hada Naga Soo gaaray Jiidaha Hore Dagaalka Puntland & Somaliland iyo Cabsi Xoogan oo Cawa ka jirta

Wararkii ugu Dambeeyey ee Cawa ka imaanaya deegaanka Tukaraq oo ay isku horfadhiyaan Ciidamada Puntland iyo somaliland ayaa la soo sheegayaa in xaalada cawa tahay mid kacsan waqti walbana la filan karo in dagaal uu ka qarxo

Cutubyo kamid ah ciidamada labada dhinac ayaa saacadihii ugu dambeeyey kusii qulqulayey jiidaha, waxaana taasi ay kordhisay cabsida Shacabka ee ah in lagu dul-dagaalamo.

Maamulada labada dhinac ee Puntland & Somaliland ayaa Hanjabaadaha ay iskugu jeedinayaan ay kordheen saacadihii ugu dambeeyey, waxayna labada dhinacba u muuqdaan kuwa u diyaar garoobay dagaal dhameystiran

Labada dhinac ayaa sameeyay galabnta dhaq- dhaqaaqyo xoog leh waxa ayna ka durkeen saldghigyadii ay xalay ku hoydeen iyadoo ay taagan tahay xaalad ay si toos ah ay ugu dagaalami karaan .

Dadka goob joogayaal ayaa sheegay in tikanadii ugu fara badneyd ay soo gaareen goobaha ay joogaan kuwaas oo ay leeyihiin labada dhinac ayna gaarayaan in ka badan 200 oo baabuurta dagaalka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa labada maamul ugu baaqay iney joojiyaan dagaalka iyo hadalada kicinta ku saleysan ee ay ka jeedinayaan warbaahinta.

Readers Comments (0)



DAAWWO