War Deg Deg ah : Yaa lala Eegtay Qaraxii Goordhow ka dhacay Muqdisho iyo Khasaare ka dhashay

Wararka aan ka helayno dagmada Hodan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Taleex ayaa sheegaya in halkaasi mar dhow uu ka dhacay Qarax Gaadhi

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay Gaariga qarxay in ay saarnaayeen laba qof oo midi uu gaadhiga kaxaynayay halka midka kalena uu fadhiyay kursiga kale ee shirka.

Labada ruux ee Gaariga saarnaa ayaa dhaawac uu soo gaaray, ninkii gaariga kaxaynayay oo magaciisa lagu soo koobay Catoosh ayaa dhaawac culus uu soo gaadhay iyadoo sidoo kale gaariga oo nuuciisa uu ahaa kuwa raaxada ayaa bur-bur xoogan uu soo gaadhay.

Hay’adaha ammaanka DFS oo gaadhay goobta uu qaruxu ka dhacay ayaa sheegay in qaraxan noociisu uu ahaa midka loo yaqaano dhajiska hadana ay wadaan baadhitaano kale oo la xidhiidha shaqsiga qaraxa lala beegsaday waxa uu yahay.

Readers Comments (0)



DAAWWO