War Deg Deg Ah : M/Weyne Gaas oo Goordhow dhow qabanaya Shir jaraa’ud kuna dhawaaqaya.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goor dhaw qabanaya shir Jaraa’id oo uga hadli doona xaaladdaha kasoo cusboonaday Puntland, gaar ahaana dagaalada ay soo qaaday Somaliland.

Wariyaasha ayaa looga yeeray Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Garoowe, waxaana si gaar ah diiradda loo saari doona arrimaha dagaalkan oo uu Madaxweynuhu si gaar ah uga hadlayo.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ay suuragal tahay in uu Madaxweynaha dawladda Puntland ka hadlo arrimaha ku saabsan wixii u qabsoomay Afartii sanno ee lasoo dhaafay.

Dawladda Puntland shalay waxay soo saartay warsaxaafadeed ay uga hadlayso xaaladihii ugu dambeeyey ee dhacay, gaar ahaana dagaaladii ay soo qaaday Somaliland, waxaana lagu sheegay in ay Puntland dagaal buuxa ku xaqiijinayso xaduudaheeda.

Readers Comments (0)



DAAWWO