VIDEO CUSUB : Hadii Aad Maqli Jirtay Aabe Siyaad,Muqdisho Waxa Hada Ka Jirta Aabe Cali Gaab

Magalada Muqdisho waxa laga furay xarun lagu xanaaneeyo carruurta agoonta ah ee ay ka dhinteen ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, waxaana xaruntaasi loo dhiibay Cali Xirsi Barre Cali Gaab oo la wada yaqaanno.

Hadaba carruurtan ayaa hela xanaano aad u wanaagsan, waxbarasho tiro ahaanna waxa ay gaarayaan 66, iyadoo ay yihiin kuwii ugu horreeyay oo xarun loo furo markii laga soo tago burburka kahor.

Hadaba carrurtaan ayaa Cali Gaab ka dhigtay aabahood oo kale, waxaana ay yiraahdaan “Aabe Cali Gaab” waana midda keentay in warkaan aan siinno ciwaanka kore.

Readers Comments (0)



DAAWWO