Hailemariam Desalegn oo si kulul uga hadlay Xiisada u Dhaxeysa Oromada iyo Soomaalida…

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desaleg ayaa si kulul uga hadlay rabshado dhiig badan ku daatay oo ka dhacay gudaha dalka Itoobiya, kaa oo u dhaxeeyay Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Hailemariam Desaleg ayaa sheegay rabshadaha u dhaxeeyay Qowmiyadaha Soomaaliyda iyo Oromada ay ku dhinteen dad badan oo shacab ah , waxa uuna sheegay in Ciidamada Milatariga Amar ku siiyay wax ka qabashada dhibaatadaasi .

Raisul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay rabshadaha dhax maray Soomaalida iyo Oromada, waxa uuna tacsi u diray ehealada dadkii lagu laayay rabshadahaasi labada Qowmiyadood u dhaxeeyay.

Waxa uu ugu baaqay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya in nabada ka shaqeeyaan Labada Ismaamul ee Soomaalida iyo Oromada, sidoo kale ka shaqeeyaan sidii wadahadal loogu dhameyn lahaa dhibaatada dhacday.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




AD




DAAWOO