DEG DEG : Qarax Xoogan oo Goordhow dhacay iyo Warar Sheegaya in la dilay Sarkaal Caan ah

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa goordhaw oo saakay ah ka dhacay Qarax ay inta badan maqleen dadka Magaalada Gaalkacyo.

Qarax ayaa ahaa mid lagu xiray Gaari uu lahaa Sarkaal ka tirsan Booliska Puntland kaas oo magaciisa lagu sheegay Cali Magafe.

Sarkaalka ayaa Qaraxaas uu dhaawac ka soo gaaray sida ay xaqiijinayaan dadka Magaalada Gaalkacyo,waxaana la geeyay Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland.

Sarkaalka ayaa markii uu qaraxa qabsanayay Gaarigiisa waxaa uu marayay dhabarka dambe ee Madaxtooyada Gaalkacyo qeybta uu ka arrimiyo Maamulka Puntland.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




AD




DAAWOO