DEG DEG : Gaari Qarax laga Soo Buuxiyay iyo Ragii Watay oo lagu qabtay Muqdisho

Xog hoose oo ay heshay B nabadqaad.com ayaa sheegeysa in Ciidamada Dowlada Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen Gaari Waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Gaarigan oo nuuciisa uu ahaa Noah ayaa waxaa lagu qabtay agagaarka Excontrol Afgooye.

Ciidamada Dowlada ayaa ka shakiyay gaarigan waxayna ku bilaabeen baaritaan iyagoo markii hore xabadka dhulka u dhigay labo ruux oo saarneyd, waa darawalkii iyo ruuxa kale oo shirka saarnaa.

Baaritaano ayaa hada ku socda gaariga iyo ragii waday, iyadoo tani ay tahay guul weyn oo usoo hoyatay ciidamada amaanka, maadaama gaarigan la doonayay in lasoo galiyo gudaha Magaalada Muqdisho oo waxyeelo loogu geysto shacabka Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee dowlada Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii ay kaga hortagi laheyd weerarada qorsheysan oo ay geysanayaan Ururka Al shabaab iyo Qaraxyada ay doonayaan inay ku dhibaateeyaan shacabka

Readers Comments (0)



DAAWWO