DAAWO : Muuse Biix i oo ku dhaartay inuu tagi doono duleedka Garoowe ciidamada Somaliland qabsan doonaan Garoowe

Wararkii ugu dambeeyey ee Warsidaha Nabadqaad.com uu haatan ka helayo Jiidaha hore ee dagaalka ayaa sheegaya in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ugu baaqay ciidamada maamulka Somaliland in ay sii wadaan dagaalka isla markaasna deegaano hor leh ay gaadhaan.

Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha maamulka Somaliland oo xiligani ku sugan magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay guul uu sheegay in ciidamadiisu ay ka gaadheen dagaalkii dhex maray ciidamada Puntland iyo Somaliland, waxaana uu saraakiisha ciidamada Somaliland ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan xeelad kasta oo lagu gaadhi garo magaalada Garoowe ee caasimada Puntland waa sida uu hadalka u dhigaye.

HALKAN GUJI OO KA DAAWO

Readers Comments (0)



DAAWWO