DAAWO : Maxay Soomalida Mareykanka ka dhaheen Go’aankii kasoo baxay Maxkamada Sare iyo Banaanbax ka dhacay Minisota

Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka waxaa ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo go’aankii Maxkamadda Sare ee dalka Mareykanka ay ku meel marisay amaradii Madaxweyne Downald Trump, ee mamnuucayay in Mareykanka ay galaan dad ka soo jeeda Sideed wadan oo ay ku jirto Soomaaliya.

Banaanbaxayaasha oo u badnaa Soomaali ayaa waxa ay sheegeen in ay ka soo horjeedaan go’aanka Maxkamadda, waxayna tilmaameen in dhammaantood ay yihiin dad isku fikir ah.

Waxa ay sheegeen Banaanbaxayaasha in Banaanbaxyadooda aysan joogsan doonin ilaa arrintan xal loo helo, iyaga oo baaq u diray Hoggaamiyeyaasha ururada ka jira Mareykanka, si Banaanbaxa loo xoojiyo.

Go’aanka ayaa ku soo beegmaya iyada oo Maxkamadaha hoose ee Gobolada qaarkood ay ka soo horjeesteen amarka xayiraadda ee Madaxweyne Trump, amarkan ayaa saameynaya dalalka ay ka imaanayaan dadka oo ku dhawaad Sideed dal ah.

HALKAN GUJI OO KA DAAWO

Fikradaha Akhristayaasha (0)




AD




DAAWOO