AKHRISO : Shabaab oo La Ogaaday inay ku Nool yihiin Degmooyinka Ugu Muhiimsan Muqdisho

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa hadda waxay bilaabeen iney soo degaan degmooyinka ugu muhiimsan ee magaalada Muqdisho.

Markii hore waxay ku badnaayeen degmooyinka Yaaqshiid, Hilwaa iyo sidoo kale Dayniile, hase ahaatee hadda waxay soo galeen faras magaalada.

Waxay soo degeen Hodon, Howlwadaag, Waaberi, Warta Nabadda, X/weyne, X/jajab iyo sidoo kale Shengaani, iyaga oo diidaya in meelaha fog lagu soo ugaarsado.

Hubka ay wax ku ugarsadaan ayaa sidoo kale la sheegay iney soo dhigteen xaafado ku dhow Villa Soomaaliya iyo Villa Baydhabo si aan looga shakin, maadaama xaafadahaasi aanay badi gelin cid aan dowladda ahayn ama askariba ahayn.

Readers Comments (0)



DAAWWO