War Deg Deg ah : Dagaal hada ka Socda Meel U Dhow Villa Somalia Muqdisho

Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa goordhow isku rasaasadeeyay mid ka mid ah Isgoysyada ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho.

Labo Askari oo ka tirsan Nabad sugida Dowladda Soomaaliya oo soo kala dhexgalay muran wuxuu salka ku hayo la aqoon ayaa isku rasaasadeeyay isgoyska ceelgaabta ee magaalada Muqdisho.

Dadka ku sugnaa goobta ayaa durba kala cararay,waxaana goobta soo gaaray Ciidamo ka tirsan Dowladda oo labada askari dhex galay Ma jiraan wax qasaaro ah oo ka dhashay isrisaaseynta.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




FEATURE VIDEO