DAAWO : Ciidamo wata Gadiid Dagaal oo kasoo goostay Somaliand oo isku dhiibay puntland

Maamulka Puntland ayaa Sheegay in qaabileen 160 Askari oo ka goostay Maamulka somaliland kuwaas oo ku sugnaan degaanka Carro Weyn ee Gobolka Sanaag,

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ee ciidankaas ku qaabilay degaankaas ayaa sheegay in Ciidamadaan ay mar hore ku biireen Somaliland hayeeshee hadda dib uga baxeen.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Puntland ee Ciidamadaas la kulmay ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Puntland ay la socdaan xaaladda Ciidankan islamarkaana ay saraakiisha salaan ugu dhiibeen.

Saraakiil u hadashay Ciidamada sheegay in ay ka goosteen Somaliland kuna biireen Puntland ayaa sheegay in degaanka ay u dhasheen uun ku laabteen ee aysan ahayn dad cusub.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




FEATURE VIDEO