AKhriso : Ciidamo Mareykan ah Oo Lagu Arkay Meel Aan Laga Fileyn Somaliya

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa waxa ay howlgallo ka bilaabeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan deegaano ay maamulayeen Al-Shaabab.

Howlgalladaas ayaa waxaa la sheegay in ay kula wareegeen Deegaanka Mubaarak ee Gobolkaasi halkaas oo ay Gacanta ku hayeen dagaalyahano ka tirsan AMISOM,sidoo kale haatan xiisado dagaal ay ka taagan tahay Degmada Awdheegle.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in Al-Shabaab ay goordhow isaga baxeen degaanka Doon-buraale oo hoostaga Degmada Qoryooley.

Ciidamada Dowlada ayaa lagu soo waramayaa in ay Garab ka helayaan Ciidamo cadaan ah kuwaas oo dhowr mar howlgallo kala qeyb qaatay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




FEATURE VIDEO