Arag Sawirada : Labo Nin isku Ekeysiiyay Donald Trump iyo Kim Jong -Un oo Khal-Khal geliyay Ciyaaraha Olombikada

Labo nin oo saaxiibo ah islamarkaana isu soo ekeysiiyay madaxweynayaasha Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya (Donald Trump iyo Kim Jong-un) ayaa khal-khal geliyay ciyaaraha olombikada qaboobaha ee ka socda magaalada Pyeongchang dalkaasi Koonfurta Kuuriya.

Labadan nin oo ay qabteen hay`adaha ammaanka ayaa laga saaray goobta ciyaaraha, waxaana lagu wadaa in lagu dacweeyo booliska si wax looga weydiiyo falka ay ku keceen islamarkaana ay khal-khal ugu abuureen goobta ay ciyaaruhu ka socdaan.

Dhankooda ayay sheegeen nimankani in falkan ay ku keceen ay ula jeedeen oo keliya maadsi ama shactaro islamarkaana ay nabadgelyo u hor-seedaan adduunka.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




FEATURE VIDEO