Akhriso : Sababta Xilka looga qaadayo R/Wasaare Kheyre Oo la Ogaaday

Xogta ayaa sheegeysa in marka uu furmo Kal fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya ay Xildhibaanada qorsheynayaan in si dhaqso ah xafiiska ay kaga diraan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Xildhibaano aad u badan ayaa isku aruursanaya Magaalada Muqdisho, waxaana sii xoogeysanaya taageerada ay helayaan xildhibaanada kacdoonka ka ah Xasan Cali Kheyre.Todobaadyada ugu horeeya ee Kalfadhiga Baarlamaanka furitaankiisa ayay suurta gal tahay inuu ku baxo Kheyre.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa kasoo horjeeda in xilka laga qaado Kheyre, wuxuuna doonayaa inay isla dhameystaan sanadaha u haray, isagoo kaga go’leh inuu ka duwan yahay Madaxdii hore ee dalka soo maray oo khilaaf joogta uu dhex dhici jiray Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




FEATURE VIDEO