DAAWO : Taabit Oo Kashifay Labo Arrin Oo kaliya uu ku Waayey Xilkiisa

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay xilka qaadistii lagu sameeyay, kadib hadal uu siiyay warbaahinta qeybaheeda kala duwan.

Thaabit ayaa marka hore sheegay inuu aqbalay xilka qaadistii xalay uu saakay ku sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C.laahi Maxamed Farmaajo, si nabad ahna uu xilka u wareejiyo, uuna magacaabi doono guddi ka shaqeeya Munaasabadda xil wareejinta.

Wuxuu sheegay khilaafka beryahan taagnaa inuu ka dhashay laba arrimood oo kala ah xasiloonida iyo nabadgelyada Gobolka Banaadir iyo shirka wadatashiga Nabadeynta iyo horumarinta gobolka Banaadir oo looga hadli lahaa maqaamka Muqdisho.

HALKAN GUJI OO KA DAAWO

Fikradaha Akhristayaasha (0)




FEATURE VIDEO